Home > Wararka Maanta > Xasan shiikh oo goordhow gaaray kismaayo

Xasan shiikh oo goordhow gaaray kismaayo

Wararka Maanta

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay u tageen magaalada Kismaayo ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qeybgalaysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni iyo wafdi uu hogaaminayo, waxana lagu wadaa in ay goordhow gaaraan madax ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!