Xasan Sheekh oo ka hadlay xaalada ka taagan Beledxaawo

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beledxaawo, halkaasoo maalmahan ay Ciidamada Kenya ka wadaan howlo burburin ah oo ay ku hayaan guryaha shacabka, si ay uga qodaan gododka darbiga weyn ee ay dhiseyso.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka inay gutaan mas’uuliyada dastuuriga ee ka saaran ilaalinta xuduudaha.

Sidoo kale waxaa uu dowladda Kenya u diray farriin, isagoo ka dalbaday in aan la danqin boogaha, sida arrintii horay u taagneyd ee Badda, isla markaana aan looga sii darin mid kale.

Halkan hoose ka akhriso qoraal Xasan Sheekh:-

Waa wax dabiici ah in laba dal oo daris ah ay Marar badan dhex marto kala aragti duwanaansho la xiriirta qaddiyadaha qaarkood.

Arrinka baryahaan ka taagan Magaalada Balad Xaawo waa arrin u baahan degganaan iyo raacid shuruucda iyo dhaqamada caalamka ee soo jireenka ah ee la xiriira calaamadeynta xuduudaha.

Waxayna ku habbooneyd in si wadajir ah ay labada dowladood uga wada shaqeeyaan ee askari Kenyaan ah oo Beebe wata iyo Gabar Soomaaliyeed ee dhagax tuureysa la isku daayo sax ma aha.

Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo hantida la burburiyay ee dadka reer Beled Xaawo. Xaajadu yaaney u ekaanin “GURBOOD GARRAMAYA WAXAY WAAYEEN WAAYEEL U GARRAMA” oo yaan carruurta iyo gabdhaha dhagaxa tuuraya loogu simin xaajada.

Dowladda Kenya waxaan leeyahay kala guurimeyno ee boogaha yaan la danqin iyadoo horaba ay u taagneed arrinkii badda yaan lagu sii darin mid kale oo darisnimada iyo duruufaha isbadbadalayo wax ha loo reebo.

Xaajadane ha la dejiyo oo guddi wada jir ah ha loo saaro wey mudan tahaye si qolo waliba u qanacdo maadaama arrinkaani leeyahay xasaasiyad leh taariikh soo Jireen ah. Si kastaba ha ahaate aamusnaanta dowladda Soomaaliya xal kuma jiro haba yaraatee.

Gabagabadii waxaan leeyahay “YAANNAAN NOQONIN DOQONTII U DAGAAL LA’AYD YAAN LAGAAGA DARIN”