Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka horyaala

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu uu qaadacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Baarlamanka federalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aan wax wada tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato.
“Waxaa loo baahanyahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka kuma cadda nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.”ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in wadaabka ay u dhacayso doorashada qaran ee dalka haddii uu dhamaado muddo xileedka dowlada federalka.
Maamul goboleedka Puntland ayaa hore dhowr jeer isugu dayay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah hase yeeshee ku guuldareystey.