Diyaaradaha Maraykanka oo Duqeyn ka fuliyey Koofurta Soomaaliya

Wararka Maanta

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday 27 August 2018 inuu ku beegsaday xubno ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 40-KM Koonfur Galbeed ka xigta Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay weerarkaan uu ku dilay 3 nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Xagjirinta Al-Shabaab meel 40-KM Koonfur ka xigta   magaalada Muqdisho, waxaan ku dilnay 3 Argagixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.