Maamul Goboleedyada oo Taageeray Mowqifka DFS ee Deeqaha Somaliland

Wararka Maanta

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa taageeray mowqifka dowladda federaalka ka qaadatay maamuuska gaar ah ee deeqaha Somaliland.

Warqad ku socotay deeq bixiyayaasha ayaa Dowlad goboleedyadu ku muujiyeen in ay taageersan yihiin mowqifka dowladda dhexe, waxayna kooxda Deeqaha Soomaaliya [ Somalia Donor Group] ka codsadeen in ay joojiyaan u ololeynta maamul si gaar ah loo maamuuso.

Sidoo kale waxa ay ka  mahad celiyaan taageerada beesha Caalamka ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, halkaan hoose ka aqri warqaddan taageerada Mowqifka dowladda.