Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Wararka Maanta

Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geeseey Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyenta Xukuumada Federaalka Soomaaliya  ayaa  iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu u haayay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in uu isku casilay faragelin uu sheegay in Xukuumada ay ku heyso Maamulada dalka ka jira, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uuna carabka ku dhuftay in Muwaadin Mukhtaar Rooboow uu xaq u lahaa in doorashada Koonfur Galbeed uu ka qeyb gallo.

Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in aysan jirin meel looga tashaday tilaabooyinka ay qaaday xukuumadda Federaalka oo ah faragelinta doorashada Koofur Galbeed iyo Xarigga Mukhtaar Roobow. Wasiir Geeseey ayaa biiriyey garab xooggan oo kasoo horjeedda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare kheyre oo siyaasadda kula dhaqmayaan shacabka Koofur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Amardanbe ayaa beeniyey inuu iska casilay xilkii wasiirnimo, kadib markii warar la xariira inuu casilay lagu baahiyey baraha Bulshada. Xasan ayaa kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Dhanka kale Waxaa maanta Baarlamaanka Koofur Galbeed khudbadahooda ka horjeediyey Saddex Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, musharixiintaas oo kala ah :  Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cusmaan Xuseen.

Beri ayaa la filayaa in Barlamaanka ka hor khudbeeyo Musharaxa ay wadato dowladda Federaalka CabdiCasiis Lafta Gareen, sidoo kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddigga doorashada ay liiska Musharixiinta ka reebeen Mukhtaar Roobow.