Wasiir Nuur Faarax oo Muqdisho ku geeriyooday

Wararka Maanta

Alle ha u naxariisto Nuur Faarax Xirsi  oo ahaa wasiirkii hore ee Dekadaha Soomaaliya saaka ayuu Muqdisho ku geeriyooday.

Wasiir Nuur ayaa maalmahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana uu kasoo jeedaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

FB_IMG_1491113638132

Marxuumka ayaa ahaa siyaasiyiinta aad u difaaca midnimada Soomaaliya, waxaana la filayaa in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Intii uu xanuunsanayey ayaa waxaa isbitaalka ku booqday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre.

Wasiir Nuur Faarax ayaa ka mid ahaa golaha wasiirada hadda xilka ka dagay, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa siyaasi afgaaban.

Allaha u naxariisto marxuumka.