Sawirro: Hooyoyinka Godinlabe oo soo bandhigay Agabka Dhaqanka Soomaalida

Arimaha Bulshada Dhaqanka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ururka Hooyoyinka Magaalada Godinlabe ayaa xaruntaa maamulka ku soo bandhigay agabka hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, ujeedada Bandhigan ayaa ahaa sidii loo nooleyn lahaa dhaqanka Soomaalida oo hoos dhac badan ku yimid dhulka Soomaaliyeed.

Dhaqanka Soomaalida ayaa ah mid ku qotoma Miyiga, waxaan inta badan agabka miyada laga adeegsado gacanta ku sameeya haweenka Soomaaliyeed oo kaalin mug leh kaga jira dhaqankeena.

inkasta oo beryahan dambe ay reer miyiga qudhooda ay ka guureen inta badan agabkii asalka ahaa, Haamihii ka sameysnaa Macdanka Ama Qabada lagu badalay Caag labaatan liitar qaada, Halka dhiilihii caanaha lagu keydin jiray ay badaleen jeeg macdan ah iyo caag shan liitar qaada.

Dhaqan guurka Ummadda Soomaaliyeed ayaa ah mid aan la dhayelsan karin, waxa uuna u baahan yahay baraarug iyo garab istaaga dadka fara ku tirsanka ah ee yaqaana sida loo sameeyo agabkan.

14169575_1017351821711817_459917794_n 14169669_1017352325045100_462717724_n 14171831_1017351661711833_2085386334_n 14172042_1017354055044927_597654013_n 14182252_1017354435044889_230642152_n 14182306_1017351965045136_1599516258_n 14182607_1017351361711863_466257314_n 14182642_1017351188378547_1207783583_n 14193671_1017352845045048_680123479_n 14194242_1017351268378539_248164239_n

Wariye : Cali Yare Aadan

Godinlabe-Soomaaliya

Tagged

Comments are closed.