Wasiir Dowlaha ee Arrimaha Ciiddanka UK oo soogaaray Soomaaliya

Wararka Maanta

Wasiir Dowlaha ee Arrimaha Ciiddanka ee UK Rt Hon Mark Lancaster aya shalay soogaaray Soomaaliya, taas oo kamid ahayd booqasho u kumarayo bariga Africa.

Wasiirka aya wuxuu booqashadiisa ay ahayd mid lagusii xoojinaayo sidii loga taageri laha Dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM dhinaca ammaanka, iyo sidii qorsha amaan o loo dhan yahay lo hirgalin lahaa.

Inta u kujiray booqashadisa, Wasiirka wuxuu so kormeeray sida cidamada UK ay u taageeraan Dowladda Soomaaliya qorshaheeda dheer ee ariinta amaanka ayagoo ka taakuleeynayaan dhinaca tababarka, daawada iwm cidamada dowladda Soomaaliya ee SNA iyo AMISOM. Mar u lakulmay xoghayaha u qaabilsan Soomaaliya AU Ambassador Francisco Madeira, Lt General Jim Owoyesigire, Generaalka Ciidanka, Wasiirka wuxu ku boogaadiyay in marwalbo ay Dowlada UK ka garab taagantahay AMISOM iyo wadamada kale ciidanka ka Joogaan Soomaaliya.

Inta uu booqashada kujogay Muqdisho, Mr Lancaster wuxu kale oo lakulmay saraakiisha Soomaaliya uu xilsaran dhinaca amniga iyo dhinaca deeq bixiyaasha caalamka oo ay kamid yihin US, UN, EU iyo Turkey, oo qoda dheer looga hadlay iskaashiga ku saabsan arrimaha amniga.

Mr Lancaster wuxu kale u la shiray lataliyaha dhinaca amniga ee madaxwaynaha Soomaaliya Abdisaid Ali wuxu uga mahadceliyay sida uu xakamiyay oo uu diyaariyay qorshaha cusub ee dhinaca ammanka sidaa dadka Soomaaliya ay uheli lahaayeen amni iyo xasilooni.