Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarshada Dowlad goboleedka Galmudug ayey ku sheegtay in ay hakisay xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyey Wasaaradda Waxbarshada Dowlad Federaalka.
Warsaxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada Federaalku ay faraha kula jirto shaqadii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada.
Dowlad Federaalka iyo beesha caalamka ayaa wali ku dhagan nidaamka in mashaariicda dalka loo qeybiyo saddex aag oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Koofurta-Iyo-Bartamaha. Arintaas oo ay aad uga soo horjeedaan dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.