Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka warbixisay dagaalka AlShabaab

Wararka Maanta

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay faah faahin ka bixisay Dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab, kaasi oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Prof. Sokor Jaamac Geyre oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay Howlgalada ka dhanka ah Shabaab in ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan.

Wuxuu sheegay Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay diyaar u yihiin in Al-shabaab ay ka saaraan dhamaan degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si Soomaaliya ay mar kale u hanato qaranimadeedii iyo midnimadeedii.

Prof. Sokor ayaa Ciidamada xoogga dalka uga digay laba arrimood inta ay howlgalka ku guda jiraan, kuwaasi oo kala ah in aysan Askareyn caruurta Da’dooda ay ka yar tahay 18-ka sano iyo in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ku sugan degaanada ay ka xoreynayaan Shabaab.

“Dagaalka Shabaab wuu bilowday, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM durba waxay la wareegeen degaano dhowr ah, Ciidamada waxaan ugu baaqayaa in ay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, Madaxda dalka ayaa dhiiragelinaya Ciidamada Qaranka.” Ayuu yiri Sokor.

Arrimaha jidgooyooyinka ayuu sidoo kale ka hadlay Agaasime Sokor, wuxuuna sheegay Askar fara badan in ay u xiran yihiin jidgooyo ay dhigteen, sharcigana la horgeynayo, hadana wadooyinka Shabeelooyinka ay yihiin kuwo inta badan laga sifeeyay isbraaooyinka.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday tacadiyada shilalka la xiriira ee Ciidanka AMISOM ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Wasaaraddu ay leedahay xafiis arrimahaasi wax looga qabto, mar walbana aysan aqbaleyn in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, cidii si xaq daro tacadi ugu geysatana la marsiinayo sharciga.