Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS oo u yeertay Safiirada illaa 8 dal (Akhriso)

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirada Soomaaliya u jooga illaa 8 dal oo dibadda ku yaal, iyadoo lagu amray in muddo 30 cisho gudahood ku soo galaan magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Jabuuti, Shiinaha, Sudan, Qatar, Kuwait, Abu Dhabi, Uganda iyo Zambia.

Lama sheegin sababaha loogu yeeray, hase ahaatee waxaa la isla dhex marayaa inuu jiro qorshe la doonayo in is bedel loogu sameeyo, maadaama Safiirada qaar ay yihiin kuwo muddo sanado ku sugan dalalkaas.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sidan oo kale Safiiro dhowr ah ay u yeertay inay dalka ku soo galaan muddo, iyadoo safiirada qaar xilligaas shaqada laga joojiyo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.