Wafdi ka socda Aqalka Sare BFS oo gaaray Dusmareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dusmareeb caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta waxaa gaaray wafdi ka socda Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug.

Wafdigan ayaa kulamo alabaadu u xiran yihiin la qaadan doona Madaxda Dusmareeb ku sugan, sidoo kale waxaa la filayaa in ay soo gaaraan Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Wafdigan ayaa Madaxda Galmudug kala hadli doona laba qodob oo kala ah : 1. Khilaafka Dowladda dhexe iyo Galmudug 2. Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda Galmudug.