Wade Bajaaj oo Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay lagu dilay nin dhalinyaro ah oo watay mooto Bajaaj, kadib markii ay wada murmeen askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Somaliya.

Askariga falka dilka ah gaystay, ayaa ku sugnaa Bar koontarool oo ciidamada Booliska ku leeyihiin agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Askariga iyo ninka watay Mooto Bajaajta, ayaa waxaa dhexmaray muran dhanka afka ah, taasi oo ugu dambeyn sababtay in askariga uu xabad ku dhufto wiilka mootada watay.

Intaasi kadib ayaa wiilkii mootada watay, isaga oo dhaawac garaab ah waxaa loo qaaday Isbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeyn Isbitaalka uu ku geeriyooday wiilkii mooto Bajajta watay.

Mootooleyda ayaa waxa ay dhigeen Banaanbax ay ku hor dhoobtay Saldhiga Degmada Waaberi ee ciidamada Booliska, waxayna halkaasi ka dalbanayeen cadaalad in la marsiiyo askariga dilka gaystay.

Saraakiisha ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ninkii dilka gaystay waxa ay geeyeen xarunta Dambi Baarista ee CID, halkaasi oo iminka uu ku xiran yahay.