Waddooyinka Muqdisho oo Maalintii Labaad Xiran

Wararka Maanta

Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ah mid xiran, iyadoo feejignaan sare la geliyay Ciidamada ammaanka oo saaka lagu arkayo waddooyin dhowr ah oo isku xira xaafadaha Muqdisho.

Wadada Maka Al-mukarama ayaa ka xiran dhowr meel oo ay ciidamada ku sugan yihiin, waxaana dadka wadadaas isticmaalayay ay ahaayeen kuwo lugtooda maalayay.

Sidoo kale waxaa xiran wadada hormarta Dekeda Muqdisho ee aada School Polizio illaa 21 October, waxaa kaloo wadada ka xiran tahay Isgoyska KM4, Taleex illaa Tarbuunka.

Dadka reer Muqdisho ayaa cagahooda maalaya, waxaana la diiday gaadiidka, inkastoo gaadiidka ciidamada kaliya ay wadddooyinka qaar isticmaalayaan

Xirnaanshaha Waddooyinka ayaa timid, kaddib markii magaalada Muqdisho uu ka furmay shir heerkiisu sareeyo oo ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirka maanta furmaya oo ah Madasha Iskaashiga Soomaaliya “Somali Partnership Forum” kaasoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda, maaliyadda iyo arrimo kale.

Shirka maanta ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay khudbado ka jeedin doonaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Beesha Caalamka.

Shirkii shalay ayaa looga hadlayay arrimaha ammaanka, iyadoo dib loogu eegay qodobadii dhinaca ammaanka ee quseeyay dib u dhiska ciidamada.