Waare oo wada dadaaladii ugu danbeeyay ee lagu ansixininayo Golahiisa Wasiirada

Wararka Maanta

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo la leh Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa Goliisa Wasiirada uu soo magacaabay dhamaadkii bishii hore.

Madaxweyne Waare ayaa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee Jowhar kula kulmay Xildhibaanada, isagoo kala hadlay ansixinta Golaha Wasiirada oo lagu wado in maalmaha soo socda la horgeeyo Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ka dalbaday in Golaha Wasiiradiisa cusub la siiyo muddo lix bilood, si ay waxqabad ula yimaadaan, mudaddaas kaddibna la xisaabtamaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada, isagoo kala hadlay arrimaha ansixinta iyo sidii taageero loogu muujin lahaa Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Waare ayaa tan iyo markii maalmo ka hor uu dib ugu laabtay Jowhar waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayay xildhibaanada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, waxaana kulamadan intooda badan looga hadlayay arrimaha ansixinta Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Shekeh Cismaan Barre oo shalay dib ugu laabtay Jowhar ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka.