Tiro Madaafiica oo kusoo dhacaay Degmada wardhigleey ee muqdisho

Wararka Maanta

Tiro madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, iyadoo la soo sheegayo in madaafiicda qaar ay geysatay khasaarooyin kala duwan.

Illaa afar hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka Iskuulkii 15 May oo ku dhow Madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah.

Goob joogayaal ku sugan degmada Wardhiigley ayaa sheegay in mid ka mid ah madaafiicda uu ku dhacay guri ku dhow Dugsigii 15 May, ayna ku dhaawacmeen afar ruux oo isku qoys ahaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, ma ahan markii u horeysay ee madaafiic hoobiyeyaal ah qeybo ka mid ah Muqdisho.

Lama oga halka laga soo tuuray Madaafiicdan ku soo dhacay degmada Wardhiigley, iyadoo maanta Madaxtooyada uu ka furmay Shirka Madasha Wada-tashiga qaran.