Cali Gacal Casir “Dadka Mooshinka iga keenay ma ahan Xildhibaano”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir  ayaa sharci darro ku tilmaamay  mooshinka  ay ka keeneen xildhibaanada u badan ururka Ahlu Sunna , isagoo ka digay in burbur loo horseedo Galmudug.

Gudoomiye Casir ayaa sheegay in dadka keenay Mooshinka aanay aheyn Xildhibaano sax ah, isla markaana aanu aqoonsaneyn.

“Raga la leeyahay mooshin ayay keeneen, ma ahan Xildhibaano, liiskooda ma arag, sharcina ma ahan, waa dad deegaankooda jooga oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Waxaa uu sheegay in dib u heshiisiin ay socotay, isla markaana uusan garaneyn sababaha loola ordayo mooshin, waxaana uu tilmaamay in tani ay keeneyso khilaaf iyo kala tag ku yimaada maamulka Galmudug oo uu xusay in 11 qabiil ay isku tagtay oo hal maamul ku midoobay.

Illaa 89 Xildhibaan oo  u badan ururka Ahlu Sunna ayaa mooshin ka keenay maalintii shalay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana mooshinkaas qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed, kaasoo sheegay in mooshinka laga doodayo maanta oo Arbaco ah.