Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ka socota dhaqdhaqaaqa doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug, 17 bishan ayaa loo madlan yahay doorashada Guddoonka Barlamaanka.

Ilaa hadda 3 musharax ayaa rasmi ah isugu soo taagay kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug. Musharaxiintan ayaa kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer.
- Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur.

- Cabdinaasir Aadan Cismaan oo kasoo jeeda degmada Ceeldheer.

- Cabdullaahi Axmed Calasow oo isna kasoo jeeda Degmada Ceeldheer.

Musharixiin kale ayaa la filayaa in dhawaan ku dhawaaqaan musharaxnimadooda guddoonka Barlamaanka Galmudug.