Sida Muuqta Hogaanka Dalka wuxuu qaban qaabinayaa Dagaal kadhan ah alshabaab . alshabaab Waa urur Argagaxiso Mudana Dhisanaa Lehna Ciidan Cudud leh Mana Sahalna in si dag dag ah loo ciribjaro ,Sida hada madaxweyne Farmaajo iyo Dowlladiisa u wajahayso uma Muuqan karto in guul laga gaaro Sababahan Owgood
1. Dowllada Soomaaliya Waxay udhisantahay Qaab Federaal waxyna leedahay Dowllado yaryar oo leh Ciidan kala Duwan oo isugu Jira kuwo Federaal ah iyo Kuwo aan ahayn Marka laga reebo Hal Dowllad Goboleed inta kale Alshabaab Ayaa ka haysta Deegaano iyo Degmooyin . Dowladda Madaxweyne Farmaajo qorshaha Kuma aysan Darsan in Dagaalka alshabaab lagu qaadyo uu Noqda mid siwadajir ah looqaado tusaale Markii Dowllad Dhexe Weerar ku qaado Deegaanka Bariire oo hada Ay alshabaab kusugan yihiin oo Ay ka xorayso alshabaab Waxaa u furan Fursado kale tusaale Waxay adayaan Gobollka Baay Gobollka Bakool Gobollka Jubbada Dhexe Gobollka Jubada Sare Gobollka Shabellada Dhexe Gobollka Hiiraan Gobollka Galgaduud Gobollka Mudug.
2. Markii dal uu dagaal galyo Waxaa Muhiim ah in ladiyaariyo habkii lagu Weerar tagi lahaa waa in ay fariistaan Madaxda ciidamada Lana diyaar gareeyaa Dhamaan ciidanka loodhana dhamaystiraa agabka Ay u baahan yihiin Sida aan oganahay Madaxweyne Farmaajo Mudo laga joogo lixbilood ayuu kudhawaaqay Dagaal kadhan ah alshabaab sidoo kale wuxuu sheegay in Dalka uu galay Xaalad Dagaal Marka Madaxweyne hadlo warkiisa waa Digareeto Waxna Qasab ah in lafuliyo amarkiisa isna uu kadhabeeyo warkiisa balse halkii larabay in ciidankeenu u diyaar garoowbo Dagaalkii lagu qaadilahaa alshabaab Waxaa Taa badalkeeda diyaar garoowbay alshabaab wana araganaa Jawabtii Ay kabaxsheen dagaalkii uu Madaxweynaha I cilaamiyay
Hadaba Sidee suurgal kutahay in alshabaab Xiligan laga guulaysto anigoo Ku Cabiraya Fikirkayga Taladan haday hirgasho waa Macquul Sidan horay u sheegay Soomaaliya Waxay qaadtay Nidaamka Fedraalka Waxaana kadhisan Dowllado Xubno ka ah Dowllada Dhexe waa in Madaxweynaha Si Deg Deg ah isugu yeero Madaxda Dowlad Goboleedyada kalana hadlo sidii Dagaal wadajir ah alshabaab loogu qaadi lahaa Waxaan sidaa u leeyahay Marka Xabdu ka bilaabto Gobolka Shabellada Hoose shabaab Waxay isku adayaan in ay adaan labo gobol mid kood waa Gobolka Baay ama Gobollka Shabellada Dhexe Hadii Marka dagaalku wadajir yahay Qolo Qolo aadi kartaa Majirto Mid Waliba Teeeda Ayaa dhib ugu Filan Marka Ciidanka Cadaado Jooga Ay ku dhaqaaqan shabaabbka Jooga Xardheere ama Ceelbuur ama Kuwa jooga Kismaayo Ay ku dhaqaaqan Jilib iyo bu’aale Waxaa adkanaysa in shabaab isku gurmado Waxaa sidoo kale adkaanaysa in ay helaan goob Ay kasoo abaabulaan Dagaalyahno is.qarxiya
Tan kale Waxaa waajib ah in la dhiirgalyo Ciidanka Xooga Dalka oo aysan Noqon Markii Dagaal lagalyo Ayaan Idiin baahanahay ee lajoogteeyo Musharaadkooda Daryeelkooda iyo Dhiiraglintooda .
Ugu danbayan Waxaan leeyahay Madaxweyne Waxaad Guul Gaari kartaa markaad Saaxib kadhigto Hogaamiye yaasha kale ee Dalka.balse hadaad colaad sato Waxay dadajinaysaa Fashilka Dowllada wana Tan aan kor ku tusaaleyay
W.Q Abdullahi hashi Roobda.ay