C.C Warsame oo ka hadlay waxa ay isku hayaan Mdaxda DF

Wararka Maanta

Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka qeyb galayay barnaamij ka dhacay magaalada Garowe ayaa ka hadlay labo sano kadib halka Soomaaliya ay u socoto iyo waxyaabihii lasoo maray.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo isaga ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo wado dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xukuumadda hadda jirta labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay wado qaldan.

“Aniga iyo dowladda Soomaaliya, waxaan isku heynaa hal arin oo ah in wadada qaldan laga leexdo oo wadada Toosan lagu soo dhaco, Tusaale qofkii doonaya inuu Gaalkacyo aado ka waran hadduu Afka Aadiyo Bari, waa inaan saxnaa, Anaga “Wadajir” ahaan waxaan dooneynaa inaan hal wado ku wada dhacno oo aan wax isla saxno”.

Siyaasi Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka faragelinta dowladda ay ku sameyso maamul goboleedyada ay ugu horeeyaan waxyaabaha ka leexinaya waddada saxda ah.

“Labado sano kadib hadda waxaa muuqata in wadada saxda ah lagu soo dhici rabo, waad og tihiin doorashadii ka dhacday Baydhabo waxay aheyd, Tan Puntland ka dhacday waad og tihiin dhaqaalaha lagu bixiyay, Galmudug waxa ka socdo, war annaga waxaan taaganahay hal meel aan iskula socono, markaa gaariga hadduu naga halaabo waan wada toosisan karnaa”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xisbiga Wadajir ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay si Wadajir ah kaga shaqeeyaan horumarinta Soomaaliya iyaga oo aan talada dalka isku koobi doonin, sida uu hadalka u dhigay.