Taliye ku xigeenka iyo taliyaha ciidanka lugta ee CXDS oo xilalka la wareegay

Wararka Maanta

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka S/Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto C/xamiid Maxamed Dirir ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raagge iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha cusub ee la wareegay Hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah dhalinyaro qibrad leh oo waxbarasho heerarka aqoonta ciidanka soo qaatay, waxaana ka mid ah Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka S/Guuto Maxamed Cali Bariise oo waxbarasho iyo aqoon kororsi ciidan ku soo qaatay dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale.

Taliyeyaashan cusub ayaa balan-qaaday in waajibkii loo igmaday ay gudan doonaan, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada xoogga dalka iyo sidii deegaanada Al-Shabaab maamulaan looga saari lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa is bedel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka xoogga dalka, iyadoo markii u horeysay loo magacaabay saraakiil dhalinyaro ah.