Taliyaha Booliska Degmada Cadaado Oo kamid ah Dadkii ku Dhaawacmay Dagaalkii Galabta

Uncategorized Wararka Maanta

Inta la ogyahay 5 ruux oo u qeybsan dhinacyada dagaalay ayaa geeriyootay 25-tameeya kale oo ay dad shacabuhu ka mid yihiina dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo  isbitalka guud ee magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka  C/Qaadir Afwayne oo isbaarada xalay dhigtay ay ka biya diideen inay koontoroolka ka wareegaan.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Taliyaha ciidamada booliska magaaladda Cadaado Xuseen Cumar Muumin oo qeyb ka ahaa dagaalkaas.

Mamulka degmada Cadado iyo saraakiisha ciidamda  amniga oo aynu xiriiro kala duwan la sameynay ayaa ka gaabsay inay arintaan ka hadlaan waxaase caawa degan  xaalada magaalada Cadaado iyadoo ay jiraan dadaalo ay wadaan wax garadka iyo odoyaasha dhanaka deegaanku si looga hor tago in mar kale ay dagaalo dhacaan maadaama dagaalkii maanta qasaaro badani ka dhashay.

Si kastaba, dagaalka galabta ciidamada nabad sugidu ay ku qaadeen maleeshiyaadka duleedka Cadaado isbaarada dhigtay ayaa imanaya xili dhawaan odoyaasha deegaanku ay si wadajira ah u xasiixeen inaan magtiisa la sheega karin qofkii isbaaro lagu dilo ama waxyeelo kale kusoo gaarto isbaaro.

 

Ceelhuur.com