Suudaan: Ciidanka oo la wareegay talada Dalka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Taliska Milatariga Suudaan ayaa maanta shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir. sidoo kale ciidanka ayaa xiray Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Daaha, Gudoomiyihii Xisbiga Axmed Haaruun, iyo Wasiirkii hore Gaashaandhigga Cabdiraxiim M. Xuseen.

Madaxweyne Kuxigeenkii ahna Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Cawad Binu Alcawf ayaa akhriyey wareegtada 1-aad ee Golaha Ciidan ee Kumeel-gaarka ah.

Qodobada bayaanka ugu muuhiimsanaa ayaa ah:

1.In lagu dhawaaqay Gole Ciidan oo haynaaya talada dalka muddo kumeel gaar ah oo labo sano ah.

2. In la laalay ku dhaqanka Dastuurka dalka.

3. In bandow lagu soo rogay dalka muddo bil ah, iyadoona aan la ogalaanayin dhaq-dhaqaa dadka iyo gaadiidka 10:00-ka habeennimo ilaa 04:00 subaxnimo.

4.In xaalad deg deg ah oo 3-bilood ah lagu soo rogay dalka.

5.In la kala diray hannaankii Madaxtooyada, Golaha Xukuumadda, Goleyaasha Dowlad Goboleedyada.

6. In gacan adag lagu qabanaayo cid kasta oo dhibaato ku haysa amni iyo xasilloonida dalka.

7. In la sii daayey dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

8.In la xiray dhammaan marrinnada laga soo galo, lagana baxo dalka Suudaan muddo 24 saac ah ilaa amar danbe.

9. Xabad joojin lagu dhawaaqay dhammaan dalka.

Waa kuma ninka Cumar Al Bashiir xilka ka tuuray?

Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf ayaa maanta ku dhawaaqay hadal muddo dheer la sugayay wuxuuna sheegay in xilkii laga qaaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, isla markaana lagu xiray goob amaan ah.

Bin Cawf wuxuu isku hayay xilalka awoodda badan ee wasiirka gaashaandhigga Suudaan iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalkaas. Wuxuu ugu horreeyay shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee uu kalsoonida buuxda ku qabay Al-Bashiir.

Bishii Febraayo, xilli ay sii xoogeysanayeen mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda, ayey Madaxtooyada Sudan sheegtay in wasiirka gaashaan dhigga, Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, loo magacaabay madaxweyne xigeenka koobaad, xilka gaashaan dhiggana uu haynayo.

Cumar Al-Bashiir ayaa labo maalmood ka hor xilligaas dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo sannada ah soconeysa, waxaanu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan saddex wasiir oo uu ka soo reebay xukuumaddii hore oo kala ah wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo caddaaladda.

Waxa sidoo kale uu Al-Bashiir badhasaabaddii gobollada ku bedelay saraakiil milatari ah.

Cawad Bin Cawf waxaa markaas loo arkayay qofka kaliya ee uu AlBashiir isku aamini karay, una maleynayay inuu wax walba ka difaaci doono, xukunkana u ilaalin doono.

Banaanbaxayaasha Suudaan ayaa sheegay in ay sii wadayaan dibad baxooda, ayna doonayaan in xukunka lagu wareejiyo xukuumad kumeel gaar ah oo rayid ah, waxayna u arkaan in aysan waxba isdoorin Albashiir iyo kuwa hadda xukunka la wareegay.

Albashiir ayaa waxaa raadinaya Maxkamadda Adduunka, waxaana suurtagal ah inuu magangelyo ka helo dalal ay saaxiibo yihiin madaxdooda.

Kaligii taliyayaasha Afrika iyo carabta ayaa u muuqda kuwo gabalkoodu dhacay, waxaana geeska afrika hadda ku haray saddex kaligii taliye oo kala ah Isaias Afwerki oo talada Eritrea qabsaday 1993, Yoweri Musaveni oo xukunka uganda qabsaday 1986, iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo xukunka Jabuuti la wareegay 1999.