Shirka Culimada Suufiyada Caalamka oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaan maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka suufiyada caalamka oo sanadkii todobaad la qabanayo, Sanadkaan waxaa shirka marti gelisay Jaamacada Imaam Shaafici ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa daahfuray wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, Waxaana culimada ka qeybgalaysa ka yimadeen 12 dal oo ka tirsan caalamka islaamka. Ujeedooyinka Shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriir culimada Suufiyada oo dowr muuqda ka soo qaatay fidinta diinta islaamka.

Madasha waxaa goob joog ka ahaa culimo waaweyn oo ka kala yimid dhulka Soomaalidu dagto. Sidoo kale Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa kasoo qeybgalay.