Warbaahinta Al-Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Wareysi laga duubay mid ka mid ah raggii isku qarxiyay Xerada Ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer 1-dii Bishan.
Sacad Xuseen Xaashi oo ku magac dheer (Xaaji Mi’ateyn) oo 42 sano jir ahaa, ayaa ka mid ahaa raggii kaxeynayay gaadiidka qaraxyada ay ka buuxeen ee xerada ciidamada AMISOM lagu weeraray, Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay ninkan 42 sano jirka ah uu u dhashay Beesha Sacad, kana soo jeeda Magaalada Galkacyo xarunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Sacad Xuseen ayaa Alshabaab dhexdooda looga yaqaanay Magaca Asad, Wareysiga maqalka ah ee laga duubay ninkan, ayaa wuxuu ku sheegay inuu doortay isqarxinta si uu ugu dhibaateeyo jirkiisa ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. isagoo intaa ku daray inuu muddo sanad ah ka mid ah Guutada isqarxinta, horeyna uu uga mid ahaa garabka Milatari ee Alshabaab. isagoona ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose.
Inkastoo Sacad Xuseen Xaashi uu isku qarxiyay afaafka hore ee Xerada ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer, haddana isqarxintiisa waxa ay ciidamada Shabaab u fududeysay weerarka ay ku ekeyeen Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer.
Ismiidaamiye Sacad ayaa kula dardaarmay xubnaha kale ee ka dambeeya ee Shabaab ka tirsan inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya.