Sawirro:Golaha Wasiirada Galmudug oo ka dooday Miisaaniyadda 2017

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulan ay maanta Golaha wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ku yeesheen magaalada cadaado ayaa waxaa looga hadalay qdobo dhowr .Kulankan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada galmudug waxaana shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamdd xashi cabdi .

Wasiir kuxigeenka Wasaarada maaliyada maxamed farax axmed ayaa golaha wasiirada warbixin ku aadan maaliyada dowlada u sharaxay golaha wasiirada miisaaniyada 2017 ee dowlada Galmudug Abuurida ilo dhaqaale cusub, fursado shaqo ee banaan ayadona suaalo laga weydiyay miisaaniyadi sanadkii tagay bilihii ugu danbeeyay. Waxaan miisaniyadii sanadkii tagay ka muuqatay in 23.2% la helay, taas oo ah mid aad u hooseysa.

Sidoo kale gudi dhawaan loo xilsaaray qeybinta gargaarka dowlada turkiga keentay soomaaliya ayaa waxaa laga dhageystay habka ay wax u soo diyaariyeen si ay ula wadaagaan golaha wasiirada waxaana lagu wadaa in dhawaan ay u ambabaxaan magaalada galkacyo oo haatan uu soogaray gargaarkaas .

Fiiro gaar ah: Goordhow naga filo warbixin muhiim ah oo aan ka diyaarinay raashinkii Turkigu ugu deeqay Galmudug.

14081223_10205753624558653_1456492237_n 14101518_10205753627838735_1858910432_n 14101663_10205753627798734_2061551119_n 14101907_10205753624798659_1192922763_n 14111717_10205753625838685_1380594441_n 14111962_10205753628478751_285979803_n 14138341_10205753627158718_267105090_n

Comments are closed.