Munaasabad xarigga looga jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey isbitaalka Guud ee degmada Cadaado ayaa lagu qabtay gudaha isbitaalka.
Waxaana kasoo qeybgalay wasiiro iyo xildhibaano Galmudug, maamulka degmada Cadaado, madax ka socotay hay’adda CPD, Madaxda isbitaalka, Guddiga tabarwadaag, iyo marti sharaf kale.
Mashruucaan ayaa dhaqaalaha ku baxay waxaa iska kaashaday Bulshada Cadaado oo bixiyey 20% iyo Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya SSF, waxaana fuliyey hay’adda CPD.
Guddi ay iska soo xuleen dadka deegaanka ayaa garwadeen ka ahaa mashruucaan oo loogu magac daray Tabarwadaag, waxaana guddiga oo ka kooban qeybaha Bulshada tiradoodu tahay 19 xubnood, waxaana gudoomiye u ah Sheekh Bashiir Ugaas.
Shirkada Jimcaale Generaal Service ayaa dhistay dhismayaasha lagu kordhiyey isbitaalka, waxaana mashruucaan ka kooban yahay :
- Qeybta bukaan socodka oo 8 Qol ah.
- Qeybta Sheybaarka oo 5 Qol ah.
- Qeybta saalada Qaliinka oo ah 5 qol iyo hall weyn oo qaliinka.
- Qeybta bukaan jiifka waa 2 hool oo midkiiba yahay 15mx8.5m ah.
- Afar qol oo daawada iyo nurses ka ay leyihin.
- 13 Musqulood
- Haan weyn oo biyaha ah oo qaada 100 fuusto iyo tuba gelinta hospital ka oo dhan.
- Iyo 4 boosaneer oo aad u waweyn iyo derbiga wareega hospital ka.
Mashruucaan ayaa noqonayaa kii ug balaarnaa ee laga fuliyo isbitaalka Cadaado.
Gabangabadii xaflada ayaa gudoomiyaha guddigu wuxuu furayaasha dhismooyinkan cusub ku wareejiyey gudoomiyaha degmada Cadaado, oo isna kusii wareejiyey agaasimaha guud ee isbitaal Dr. Maxamed Cumar.
Mashruucaan ayaa waxaa ku baxay lacag ka badan 300,000 dollar, waxaana ku lamaanaa mashruuc kale oo saddex waddo oo laga dhisay xaafadaha magaalada.
Cadaado ayaa noqotay degmadii koowaad ee dhameystirta mashaariic lagu hormarinayey  degmooyinka Cadaado, Hobyo, Cabudwaaq iyo Balanbal.