Hay’adda EFASOM [ Education For All Somalia] ayaa Madal looga hadlayey Helida Waxbarasho loo siman yahay iyo sare u qaadista ka qeybgalka Gabdhaha ee Dugsiyada ku qabatay Magaalada Cadaado.
Madashan oo socotay laba maalin ayaa waxaa casharo ka bixinayey masuuliyiin kasocday Hay’adda EFASOM, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciise oo ka socday EFASOM ayaa sheegay in ujeedada kulankan uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee ku aadan in gabadha iyo wiilasha si siman u helaan fursadaha waxbarashada.
Sidoo kale ka qeybgalayaasha oo isugu jiray qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin xil haysa is weydaarsadeen su’aalo iyo aragtiyo la xariira arintan. Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug, Gudoomiyaha Degmada Cadaado iyo Guddoonka waxbarashada degmada Cadaado ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ka qeybgalayaasha.
Ka qeybgalayaasha ayaa hoosta ka xariiqay in sare loo qaado ka qeybgalka gabdhaha ee waxbarashada, waxaa sidoo kale la isla gartay in loo wada guntado sidii loo yareyn lahaa caqabadaha gabdhaha ka hortaagan ka qeybgalka Dugsiyada.
Halkaan ka daawo Warbixin ku saabsan sida ay u dhacday Madasha