Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay waxa ay xabsiga dhigay ciidanka NISA .
Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.
Ehlada Gacal ayaa u xaqiijiyay saxaafada xarigga loo geystey sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeyay.
Qalqal amni ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, shalay kaliya ayaa dhowr qarax ka dhaceen magaalada, Qaraxyadan ayaa ahaa nuuca gawaaridda lagu xiro.