Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka dowlad goboleedka Galmudug Cabdulaahi Cali Maxamed ayaa gaaray degmada Hobyo, waxaana wasiirka safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Xasan Cabdullaahi Cascaseey iyo injineero sahminaya mashruuca dhismaha garoomada iyo wadooyinka Galmudug.
Injineerada ayaa safarkoodka ka soo bilaabay Magaalada Guriceel, iyagoo maray Dhuusamareeb, Cadaado, Galkacyo iyo Hobyo, waxaana la filayaa in ay dhawaan dib ugu soo laabtaan degmada Cadaado.
Mashruuca dhismaha la filayo ayaa waxaa ka mid ah :
- Dhismaha Wadada laamiga ah ee isku xirta Guriceel ilaa Galkacyo.
- Dhismaha Waddo cusub laami ah Galkacyo ilaa Hobyo.
- Dhismaha Waddo Jey ah oo isku xireysa Cadaado iyo Wisil.
- Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
- Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Hobyo.
Mashaariicdaan ayaa noqonaya kuwii ugu weynaa ee laga fuliyo deegaanada Galmudug 30 kii sano ee ugu dambeysay. Waxaana dagaaladii soo maray deegaanadan ay burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, wadooyinka ayaa sahli doona in si sahlan badeecadu uga soo baxaan dekada Hobyo. Sidoo kale garoomada ayaa wax ka badali doona ganacsiga iyo isku socodka dadka.