Al-Shabaab oo 5 Nin ku toogtay Kuntuwaarey (Akhriso Magacyada)

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa 5 dhalinyaro ah ku toogtay fagaare ku yaala degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose, Alshabaab ayaa ku eedeeyey ragga la toogtay  inay ahaayeen jawaasiis.  waxayna sheegeen in ay  la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan.

Al Shabaab ayaa shalay gabal dhicii isugu yeeray dadka degaanka oo u soo daawasho tagay fagaaraha lagu tooganaayay Shantaasi ruux ee Shabaab ay toogteen.

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir isagaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

Sidaan oo kale 24kii bishii aynu ka soo gudubnay ee December ayaa sidoo kale ururka Al-Shabaab waxa ay meel fagaare ah ku toogteen deegaanka Iidaale ee gobolka Bay shan dhalinyaro oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis.

Dilka ay shalay ku fuliyeen dhalinyaradan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay meel fagaare ah ku toogtaan rag lagu eedeeyay inay ahaayeen Jawaasiis.