Sawirro: Markab halis ugu jira inuu ku caariyo dekedda Muqdisho

Wararka Maanta

Markab u raran ganacsato Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu ku caariyo dekada Muqdisho, dadaal badan ayaa loogu jiraa sidii loo badbaadin lahaa markabkaan.

Markaan ayaa sida ilaa 500 tan, waana markii labaad oo sidaan ay ku dhacdo muddo laba todobaad gudahooda ah.

Mareeye ku xigeenka dekada oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ay dhibaatadan masuul ka tahay Shirkadda Albeyrak oo dekada Maamusha, wuxuuna intaas ku daray in farsamo xumo ka jirto dhanka shirkadda ah.

Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada ayaanan wali ka hadlin arintaan, waana khatar haddii aan si dhaqso ah looga hortagin.

received_1749257688647033 received_1749257675313701 received_1749257661980369 received_1749257635313705 received_1749257621980373