Sawirro: Maraykan oo Balaariyey Saldhigiisa garoonka Balli-Doogle

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay Saldhigg Ciidanka Cirka ee Balli doogle kuna yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Wargeyska Vice News ,aayaa warbixin uu ka qoray Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose, ku xusay in ujeedado tahay la dagaallanka Argagixisada waxa uu u yaqaan Mareykanka.

Saxafiyadda warbixinta qortay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka Millateriga Ballidoogle oo loo rogay saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax yaal saldhigga waxaa lagu diyaariyay in ka badan 800 oo Sariirood,in kabadn 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana filayaa in sariirahaas ay jiifsadaan askar iyo saraakiil American ah.

Millateriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn Saldhigyada Millateri ee Qaaradda Afrika marka laga reebo saldhigyadiisa ku yaalal Jabuuti iyo Niger.

Qandaraaslayaal Millateri oo American ah ayaa Vice News u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billaawday Bishii January 2017.

Saldhiggan waxaa markii sii hore sameeyay Midowgii Soviet-ka ee Russian Federation, waxaana hadda horumarin iyo dib u dayactir ku haya qandaraaslayaal Mareykan ah.

Saraakiisha AFRICOM ee ku sugan wadanka Jabuuti ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ballaarinta saldhigga Balli Doogle balse Qandaraaslayaasha Millateri ee ka qayb qaatay dhismaha saldhiggan qarsoodiga ah ayaa xaqiijiyay in uu jiro dhaq dhaqaaq xooggan oo Mareykanku ku doonayo in uu ku xoojiyo hawlgallada uu ka wado Soomaaliya.

Markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump, waxaa uu Mareykanka, Soomaaliya ka gaystay 48 weerar oo dhinaca cirka ah, waxaana uu sare u qaaday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka wado Soomaaliya.

Askari ka mid ah Soomaalida joogta Balli Doogle ayaa u sheegay Vice News in maalin kasta ay diyaarado dagaal ka dhoofaan kuna degaan Garoonka kuwaas oo ay leedahay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in markii ugu horreysay Ciidamo gaaray 500 oo Mareykan ah ay joogaan dhulka,kuwaas oo meelaha qaar kula dagaallama Al-shabaab la taliyayaal dhinaca amaanka ahna u ah Amisom iyo dowladd Soomaaliya.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay maalgelisay dib u dhiska iyo ballaarinta lagu sameeyay Balli doogle,waxaana heerka ballaarinta lagu sheegay labo jibbaarka intii uu ahaa markii hore.