Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda kenya oo ay kamid yihiin hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka kenya Aaden Ducaale iyo wasiirka arrimaha dibadd Amina Maxamed jibril.
Madaxweyne farmajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalkaasi kenya Uhuru Kenyatta isagoo ka qeybgali doona shirmadaxeedka dalalka IGAD.
Waa booqashadii labaad ee uu dibadda ugu safro Madaxweyne Farmaajo, isagoo 23 bishii hore safar ku tagay dalka boqortooyada Sucuudi carabiya.