Dowlada federaalka oo maamul goboleedyada u fasaxday lacag horay looga xayiray

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix milyan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub.

Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay inuu jeedka lacagtan uu yahay Qoondada Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabida miisaaniyadda

Qoraalka oo ku saxiixnaa Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaalka iyo heer dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta Hey’adaha Maaliyadeed ee dalka.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabida ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib marka la isticmaalo lacagtan.

Halkan hoose ka akhriso Jaantuska xisa