Sawirro: Madaxda Maamul goboledyada oo Socod ku maray Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ay wehliyaan Madaxweynaha  Puntland Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale ayaa maanta socdaal lug ah ku maray gudaha magaalada Cadaado xarunta Galmudug.

Madaxda ayaa bulshada kula hadlay bartamaha magaalada, waxayna ku hanbalyeeyeen bulshada iyo maamulka sidii ay nabadda iyo horumarka isugu howleen. Sidoo kale Madaxda ayaa sheegay in arinta Galkacyo lagu dhameynayo wadahadal iyo nabad, iyagoo madaxda Galmudug iyo Puntland sheegeen in ay sameynayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeeya ammaanka Galkacyo.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa xalay ku hoyday Cadaado, iyagoo xalay ka qeybgalay xaflad lagu soo afmeerayey caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug.

FB_IMG_1496142356716 FB_IMG_1496142340596 FB_IMG_1496142809078 FB_IMG_1496142364382-1 FB_IMG_1496142891477 FB_IMG_1496142884342 FB_IMG_1496142879140 FB_IMG_1496142352589 FB_IMG_1496142344418