Cadaado: Mahad Salaad iyo Siciid Giriish oo ku guuleystay Aqalka hoose

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow soo dhamaaday doorashada laba kursi oo kala ah kursi beesha Ceyr waqooyi iyo kursi beesha Ceyr koofur, waxaa ku tartamayey musharixiin badan.

Kursiga beesha Ceyr Koofur waxaa ku guuleystay ganacsade Siciid Nuur Qeyliye oo helay 50 cod, halka musharixii la tartamayey Nuur Daahir Diiriye oo helay 1 cod.

20161110_161059

Kursiga beesha Ceyr Waqooyi waxaa ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo helay 40 cod, halka musharixii la tartamayey C/qaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo helay 10 cod, 1 codna waa xumaaday, musharaxad Ayaan Daahir Salaad ayaana tartanka ka maqneyd.

20161110_161828

Waxaa goordhow bilaabanaysa doorashada kursiga beesha Madhibaan.

Comments are closed.