Sawirro: Faafaahin Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Boosaaso

Wararka Maanta

5 qof ayaa ku dhimatay 12 kalana wey ku dhaawacmeen Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Qaraxaan oo ka dhacay agagaarka Juba Hotel One, ayaa sida la sheegay waxaa gestay nin isa soo miidaamiyey, waxaana goobta kusugnaa ciidan ka tirsan ciidanka amaanka  Puntland.

Sida la xaqiijiyey  5 qof ee dhimatay ayaa kala ah 1 askari 3 shacab ah iyo iyo ninka is qarxiyey.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa hada lagu daweynayaa goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.
Bishii hore ayey ahayd markii ciidanka amaanka ee gobolka bari ku sugan ay qabteen dhowr qarax oo gaari lagu siday iyo 5 nin oo qaraxaas watay.

FB_IMG_1495583291239 FB_IMG_1495583280419 FB_IMG_1495583270523