C/Fatax al-Sisi”Gacan bir ah uga jawaabayna werarkii Masjidka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciidamada Masar ayaa waxay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen Mintidiin la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Sinai .Weerarka ayaa waxa ku dhintay 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay.

Ciidamadda Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la bartilmaameedsadeen gaarigii loo isticmaalay weerarka.

Madaxwayne Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga jawaabi doono gacan bir ah.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

@BBC