Sawirro: Dufcaddii 16-aad oo maanta ka qalin jebisay Jaamacada Muqdisho

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Dufcaddii 16-aad ee Arday oo Jaamacadda Muqdisho ka Qalin-jabiya, ayaa maanta Xaflad loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka Qayb-galeen maamulka, macallimiinta hawl-wadeennada kale ee Jaamacada, Waalidiin, Arday iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow) oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri. “Maanta xafladdaan aan joogo waxay ii leedahay laba xusuus oo muhiim ah… Midda koowaad Furitaankii Jaamacadda Muqdisho waxay ahayd riyo laakiinse waxay isku bedeshay farxad iyo horumar, ardayda maanta qalin-badalanaysa waxaa loo jeexay waddo waxaase laga rabaa in ay Waddadaas toosiyaan kana ilaaliyaan Qodxaha.”

Sidoo kale, Mid ka mid ah ardaydii qalin-jabisay oo ka hadlay xafladda ayaa wuxuu yiri. “Waxyaabaha ay goonida u tahay Jaamacadda Muqdisho waa inay nidaamsan yihiin wax walba oo la qabanayo, waxbarashada waxaa dheeri nooga ahaa in nala baray nidaam iyo maamul dheeri ah.”

Agaasimaha Machadka Heritage ee Muqdisho kuna hadlayay magaca Ururka Jaamacadaha iyo ururada cilmi-baarista ee SomaliRen, C/rashiid Khaliif ayaa u mahad-celiyay Jaamacada Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay hooyadii Waxbarashada Wadanka iyo Rajadii Dadka Soomaaliyeed, sababtoo ah buu yiri xilli dadka ay rajo beel ku jireen ayay u Abuurtay Rajo, wuxuuna ku ammaanay hawl-qabadkeeda dheeriga ah iyo waxbarashada tayaysan.

Sheekh Maxamed Cali Caadle oo ku hadlay afka waalidiinta ardaydii Qalin-jabinayay ayaa u mahad-celiyay mas’uuliyiinta Jaamacadda Muqdisho, isagoo sheegay in wax badan ay bulshada u qabteen, aysanna illaabi doonin.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in furitaanka Jaamacadda Muqdisho ay kasoo billaabatay 1993-kii, isagoo xusay inaysan la taahin Jaamacadda dhamaystir bay u ahayd ee ma ahayn bilaw.

“Dadka Waxa dila… waxaa ugu weyn waa Jahliga, Waxaana mudan in loo Mahad-celiyo waalidka oo gacan wanaagsan ku lahaa jiritaanka Jaamcadda Muqdisho. Kuma faraxsanin Jaamacado aan tayo lahayn inay dalka ka furmaan balse waanu soo dhawaynaynaa in la furo Jaamacado kale,” ayuu yiri Dr. Cali Sheekh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, ayaa kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa dardaaran uu kula dardaarmayay ardayda qalin-jabisay, wuxuuna sheegay inay waxbarashadooda halkaas kasii wadaan, iyadoo ardaydii qalin-jabiyay goobta shahaadooyinkoodii lagu gudoonsiiyay.

jaamacada-muqdisho jaamacada-muqdisho1 jaamacada-muqdisho2 jaamacada-muqdisho3 jaamacada-muqdisho4 jaamacada-muqdisho6 jaamacada-muqdisho7 jaamacada-muqdisho8

Tagged

Comments are closed.