Akhriso : Magacyada iyo Sawirada Raggii soo maleegay Qaraxii Waqooyiga Galkacyo

Wararka Maanta

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntiland ayaa lagu amray laamaha amaanka in ay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaad magacyadooda la xusay ,kuwaa oo lagu tuhmayo in ay wax ka maleegeen qaraxyadii lagu qaaday Gaalkacyo gaar ahaan xarunta gobolka Mudug.

War-Saxaafadeed
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo shaqsiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab ee geystey qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku bur-burtay hanti tiro badan.

Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada ururka Al-shabaab ee falkaasi ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

1.Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sano jir,ku dhashay Gaalkacyo, Beeshiisa Cumar Maxamuud/ Reer Mahad, Shaqadiisa Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

2.Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa 45 sano jir, ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle,Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf oo ku dhashay Gobolka Mudug, Beeshiisa Dir/ Qubeys.

4.Cabdishakuur Mire oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa Sacad/ Reer Nimcaale.

5.Muxiyadiin Dakharre oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo, Beeshiisa Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca shaqsigii isku isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey.

Cabdullaahi Fanax oo da’diisa: 22 Sano Jir ku dhashay Ceel-waaq Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

ted_1 ted_2