Magaaladda Kampala ee Xarunta Dalka Uganda waxaa xalay Lagu qabtay Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo Lagu soo Bandhiggayay Buug loogu Magadaray Guushadda Go’aami oo uu Qoray Wariye.Qoraa Bashiir Ahmed Suuley.
Munaasabadda oo si heersa ah loo soo agaasimay waxaa kaalin wayn ka qaatay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Uganda waxaa ka oo qayb galay Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Soomaalida Kampala
Buuggaan oo Daahfurkiisii 1-ad Xalay lagu qabtay Kampala waxuu ka kooban yahay 13 sadex iyo toban cuttub. Qoraa Bashiir Ahmed Suuley oo nin da’yar waxuu uga hadlayaa Arrimo dhowr ah sida Guusha.Cafiska.Jacaylka.Masayrka Habla dhaqanka wanaagsan ee Bulshada.Sinaanta Furriinka iyo Arrimo kale oo ad u Xiiso badan.
Qoraaga Buuggaan Wariye Bashiir Ahmed Suuley ayaana Sheegay in Buuggaan uu gaari doono dhawaan Somalia iyo Dhamaan wadamada ay ku noolyihiin Qurbajoogta Soomaaliyeed
Hoos ka daawo Sawirrada