Sawirro: Ciyaartii Galbta Hobyo Vs Cadaado #CiyaarahaGalmudug2018

Ciyaaraha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Garoonka Ciyaaraha Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si habsami leh waxaa uga socda tartanka ciyaaraha degmooyinka Galmudug, sanadkan waxaa la qorsheeyey in ay ka qeybgalaan ilaa 6 degmo oo kala ah Gaalkacyo, Cabudwaaq, Dusmareeb, Hobyo, Cadaado iyo Balanballe. inkastoo ay ka maqan yahay Xulka degmada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.

Galabta waxaa ka dhacday ciyaar xiiso laheyd oo dhexmartay xulalka degmooyinka Hobyo iyo Cadaado. Ciyaarta ayaa waxaa usoo daawasho tagay Masuuliyiin iyo dadweyne farabadan, Waxaana ku soo idlaatay Hobyo 2 – Cadaado 1, halkaas oo ay guushu ku raacday degmada Hobyo.

Ciyaaraha Degmooyinka Galmudug oo ah sanadkii ugu horeeyey oo la qabto ayaa ah arinta ay ugu hadal haynta badan yihiin bulshada Galmudug.