Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, Wasiirka Maaliyadda Siciid Siyaad Shirwac iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur Magaalada Dusmareeb kusoo dhaweeyey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin iyo Masuuliyiin kale.
Mr Xaaf oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiye Barlamaanka Galmudug Cali Gacal ay suurtagali waysay in ay la yimaadaan Dusmareeb, isagoo sababtana ku sheegay arimo aanan hadda cadeyn laakiin laga jibagaari doono. inkastoo uu sheegay inaysan wadahadalu wali istaagin.
Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in ay gacan bidxaysay Maamulka Galmudug, oo aysan siinin mucaawinadii iyo dhaqaalihii ay ka sugayeen. Axmed Ducaale Xaaf ayaa khudbadiisa galabta waxaa ka muuqatay inuu dhex dabaalanayo Mowjado siyaasadeed oo xooggan taas oo keeni karta inuu qaato go’aan lama filaan ah.
Dhanka kale Ciidamada Ahlu Sunna ayaa galabta hor istaagay ciidan uu watay Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka qeybta Galmudug Cali Cilmi Axmed ( Cali Ilka case). Ciidankan ayaa tagay Dusmareeb u tagay soo dhaweynta Madaxweynaha. Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa ku amray Taliyaha inuu deg deg ciidankiisa uga bixiyo Dusmareeb, waxaana ugu dambeyn ciidankii NISA aadeen Magaalooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado oo ay markii hore ka yimaadeen.