Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta nin dhalinyaro ah ku dilay laami yaraha Zoope magaalada Muqdisho, Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Daahir Dhadeey.
lama oga sababta uu u dilay Marxuumka, waxaana askariga dilka geystay uu ka tirsan yahay ilaalada Abaanduulaha Xoogga dalka S/Guuto Cali Baashi Maxamed.
Ciidamada Dowlada oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka Marxuumka, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay ninkii dilka geystay.
Dilalka rayid ayaa ku soo batay magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka dowlad oo qoryo fudud ku hubeysan inta badan lagu arkaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb ka ah amni darada Magaalada.