Sawirro: Alshabaab oo 6 Ruux ku dilay xalay Magaalada Mandheera

Wararka Galmudug Wararka Maanta

ilaa 6 qof ayaa ku geeriyooday  weerar Alshabaab xalay ku qaadeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya, Saraakiisha Booliiska Mandhera ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 27 qof, iyadoo laga yaabo khasaaraha in uu intaasi ka bato.

shan

Xaaladda guud ee magaalada Mandhera waa mid aad u kacsan, waxaana lasoo sheegayaa in loo maleynayo weerarkaan iney fuliyeen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wararka ka imanaya magaalada Mandhera oo ku taalla xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in xalay xilli dambe uu ka dhacay weerar iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Mandheera.

mill4 expl

Booliska magaalada Mandhera iyo ciidamada Milatariga ayaa ka bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkan.

Tagged

Comments are closed.