Sargaalkii Puntland ee Gaalkacyo lagu Qarxiyay oo Geeriyooday

Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax kaas oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dawlada Puntland.

Sarkaalkan oo lagu dilay qaraxaas ayaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim Cali oo lagu Naynaasi Jiray ( Cali Magafe ), dhawac loogu qaaday Isbitalka guud ee gobolka Mudug ayuu ugu geeriyooday qaraxaasi.

Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo la wareegay goobtii qaraxaasi ka dhacay ayaa wadda baaritaano ku aadan sida uu qaraxu u haleelay masuulkan mana jirto hawlgalo laga sameeyey cid loo soo qabtay.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal oo saxaafada kula hadlay Xarunta Taliska Qaybta Ciidamada Booliska gobolka Mudug ayaa tacsi u diray Saraakiishii uu ka geeriyooday iyo sidoo kale Eheladii uu ka tagay.

Taliyaha ayaa gaba gabadii wuxuu sheegay inay ciidamada Booliska iyo Sirdoonku ay wadaan Baaritaano ku aadan Sidii wax u dhaceen iyo halka gaarigan qaraxa looga soo xiray.