Home > Wararka Galmudug > Sahan la sameeyay oo odowaa kadhigay madaxwaynaha galmudug

Sahan la sameeyay oo odowaa kadhigay madaxwaynaha galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

 

Labadan mas’uul ayaa la oddorosayaa – in ay u badan tahay – in uu midkood ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhowwaan ka dhaci doonta Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Doorashadu waa mid aad xiise u leh oo ay ku lug leeyihiin jilayaal siyaasadeed oo badan, kuwaas oo ay ugu horreyso dowladda Federaalka Soomaaliya oo fududeynta hawsha ka sokow dooneysa in uu meeshaas ka soo baxo musharax iyada ay wadato.

Sidoo kale daneeyayaasha kale ee saameynta leh waxaa ka mid ah bulshada deegaanka iyo bulshada rayidka ah oo doonaya in uu si nabad ah ku soo baxo qof dadka iyo deegaanada Galmudug dan u ah kan uu doono ha noqdee.

Xisbiyo siyaasadeed uu damac kaga jiro qabashada talada dalka xilli doorasheedka soo socda ee 2020/2021 ayaa ka mid inta dadaalka ugu jirta qeyb ku yeelashada saameynta doorashada Galmudug, taas oo xiise u sii yeeleysa arrimaha doorashadan.

SAAMEYNTA CODEYNTAN!

Codeyntan waxaa ay gaartay Bogtaanno ku dhow 40,000 oo qof oo u badan dadka ku xiran boggeyga Facebook oo ay ku tixan yihiin celcelis ahaan 190,000 oo bogtaan.

Dad gaaraya 40,000 oo ka mid ah ayaa codbixitan la falgaleen, kuwaas oo AQRIYEEN, KA FALCELIYEEN, CODEEYEEN, FIKRADO DHIIBTEEN, isla markaasna codeynta LA SII WADAAGEEN dadka ugu jira bogagooda Facebook, taas oo codbixinta u yeeshay xiise mararka qaar u muuqday mid welwel ku abuuraya taageerayaasha kala geddisan ee labada masuul.

NATIIJADA!

Codeynta waxaa ay socotay 48 saacadood oo xiriir ah. Waxaa la dhiibtay 6,226 cod. Sida ku cad sawirada dhushoodana codadka waxaa loo kala helay sidan soo socota:

1. Odowaa waxa uu helay : 4,008 Cod, u dhiganta 64%
2. Qoorqoor waxa uu helay : 2,218 Cod, u dhiganta 36%

Natiijadan waxaa ay sheegeysaa haddii bulshada caadiga ah ay saameyn ku yeelan laheyd doorashadu in C/raxmaan Odowaa ku guuleysan karo. Hadda oo ay cunsurro kale shaqeynayaanse waa in laga dhursugaa sida loo kala jilo cunsuradaas saameynta ku leh go’aanada codeeyayaasha rasmiga ah ee doorashada.

AFEEF

Codeyntan ma aheyn mid Rasmi ah. Dadka codeeyeyna kuma jirin CODEEYE rasmi ah inta la hubo, balse waxay aheyd sahmin la xiriirtay aragtida dadweynaha iyo qofka ay jeclaan lahaayeen in ay arkaan inuu xilkaasi ku guuleysto, waana hab sharciga waafaqsan in codeyntan oo kale la sameeyo si loo oddoroso qofka ay dadka doonayaan inuu doorasho markaas socoto ku guuleysto.

Xusuusnaada in ay dhici karto in shaqsiyaad aan hadda xildhibaano aheyn, balse ka qeyb qaatay codeyntan in ay nasiib u yeelan karaan ka mid noqoshada Golaha Baarlamaanka Galmudug ee dhowaan xubnihiisa la soo xuli doono, isla markaasna ay sidaas ku noqdaan CODEEYE rasmi ah oo codkiisa/codkeeda uu helo mid ka mid ah labadan masuul iyo ciddii kale ee dib ka soo baxda ee tartanka soo gasha.

Ugu danbeytii, codeyntuna waa sahanmin ra’yul caamka, natiijaduna ma ahan middii rasmiga aheyd ee doorashada, sidaas darteed waxaan filayaa in aysan cidna dhib ku aheyn ogaanshaha xogtan oo kale.

Waxaa diyaariyay Abuukar Al-Badri

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!