Daawo: Habraaca Cusub Doorashada Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Guddiga Farsamada Maamul-u-dhisidda Galmudug Cabdinaasir Geele oo shirjaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaaban doonto xulista xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Mr. Geelle ayaa ka gaabsaday inuu soo bandhigo jadwal taariikheysan oo lagu hagayo soo xulista xildhibaanada iyo doorashada Madaxda Galmudug, madaama dhowr jeer oo hore fashilmay jadwalo ay soo saareen guddigan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 20kii Juun 2019 soo bilowday dib u dhiska Galmudug, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa dib u dhacayey qorshihii Dowladda, inkastoo laga soo gudbay caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin tabashadii Ahlu Sunna.

Halkaan ka daawo shirka Jaraa’id

Subscribe Youtube Channel